Q1. Jahwareerka Ardaynimada Degree-ga 1aad ; Sidaan Uga Badbaaday Dabinka Xirfad la'aanta (Adiguna aad uga bixi karto)

Discord

Salaan diiran baan idinku salaamay saaxiibayaal!

Haddii aad qoraalkan akhrinayso, waxay u badan tahay inaad dhex dabaalanayso diyaarinta heerka koobaad,labaad ee waxabarashada ama inaad imika uun aad dhameysay 12ki sano ee Dugsiga-sare oo aad isku diyaarinayso jaamacad ama se... aad jaamacad dhameysay laakinse shaqo-laan aad tahy.

Talo:isku dey inaad dhameysato waxaaan hubaa in 1600 eray ay ku anfici doonto

Magacaygu waa Abdishakur, waxaanan qarka u saaranahay inaan soo gebagebeeyo safarkaygii waxbarsho ee ku baranayay kuliyada B.Tech taqasus ahaan CSE Dalkaasi Hindia. Waxaan rabaa inaan idinla wadaago sheeko – yar oo aan hubo in qaar badan oo idinka mid ahi ay shabihi doonto, waxaanan idin sheegi doonaa waxyaabo aan si qasab ah aan ku bartay, si aydnaan ugu dhicin isla dabinnadii aan anigu hore ugu dhacay.

Xalqada 1aad:

Sariirtu waa mid, laakin riyooyinku way kala-duwan yihiin (Riyadii "Hacker"-nimada)
gif

Markii ugu horreysay ee aan jaamacada soo galay, waxaa igu jiray hami iyo riyo aad u wayn taas oo ay sababtay filimaan badan oo Ameerikaan ah oo aan daawan jiray awgeed, waxaan si adag u aaminsanaa: inaan noqon doonaa "hacker". Taasi oo ahayd riyadaydii, hadafkaygii ugu sarreeyey. Waxaan u malaynayay in jaamacadduna ay noqon doonto goob tababar ah oo xirfadahayga la igu bari doono maadama aan doortay field-ga Computer science and engineering (CSE) ay diiradda ii saari doonaan hammigii aan lahaa.

Laakiinse, si lama filaan ah, wax walba way is badaleen, semesterba semester kale ayuu kuu dhiibayaa. Mar waxaad baranaysaa networking, marna Python, ka dib ML/AI, hadana si kedis ah ayaad u baranaysaa Data Science, wax yar ka dib app development, dabadeedna web development iyo qaar kale oon meeshan ku xusi karin. Waxaan ahaa sida jirjiroolaha oo kale, oo midabkiisa marba u beddela maaddo kasta oo cusub. Inta badan LABS-ka jaamacada wa ay ii fududaayen waanan ku fiicnaa marka laga reebo maado la dhihi jirey Assembly-language. Aasaaska si fudud ayaan ula qabsaday , Execercise-kii la ii dirayna waan dhameyn jiray, darajooyin iyo dhibco fiicanna waan ka helay. Waxaanan dareemayay inaan wax soo saar leeyahay oo nin balaayo ka dhacday aan ahay. ilaa

xALQADA 2AAD:

Balan Badan Waa Been Badan
gif

inaan labs ka jaamacada ku wanagsanado ama semester walba dhibco fiican keeno ma caawisay shaqsi ahaan xirfad la taaban karo ma i siisay? Dabcan waa maya. Halkii aan ka noqon lahaa qof ku takhasusay hal xirfad sida "Ethical hacking", "Webdev", "App dev" iwm. oo aan u baran lahaa si qoto dheer leh(hada qoto dheer ma aha inaad inta la wada yaqaano aad ka barato), waxaan noqday qof aqoon guud-ka haysta waxyaabo badan oo kala duwan. Qof shaqo kasta inyar ka qabta, laakiinse aan midna si dhab ah ugu xeel-dheeraanin. Riyadii ahayd inaan "hacker" noqdo 2023, oo aan weliba u sameeyay khariidad-deedi (roadmap) faahfaahsan oo aan ku faani jiray? Waxaa qariyay boodhkii dabayshu wadatay. Xitaa maanan bilaabin. Dabadeedna waan is beddelay: "Hagaag, web dev haddaba baro!" Lix bilood oo kale, khariidad- kale, safar kale oo aan dhammaan. Laba sano oo qaali ah, ayaa si xawli ah igu dhaafay, waxaa ila hadhay dhaldhalaalka ay xirfad walba leeday iyo inaan haysan waaqic sax ah.

Aad baan ugu fiicanahay samaynta khariidadaha(roadmaps), dejinta wadadii la mari lahaa. Laakiinse markay timaaddo fulinta? Halkaas ayaan mar walba ku turunturoon jiray ilaa.

Dariskaada oo gubanaya, dugsi looma fadhiisto
gif

Maalin dhaweyd, waxaa iga soo horbaxay qoraalo dhalinyar ay ku soo gudbiyeen facebook-ga iyagoo kaga hadlaya shaqo la'aanta dalka ka jirta iyo sidii ardey soo dhameysay kuliyadihii ugu wanaagsanaa sida Computer science aysan wax shaqo ah u haynin. qoralaadas si shaqsiyan ah bay ii taabteen anigu is idhi malaha kaas ama shekadas waaba mustaqbalkagi oo qoraal lagugu soo gudbiyay. Anigoo og inanan wax skill/xirfad toos loo taaban karo lahayn waqti xaadirkaas ogna inaysan jaamacadu ahayn meel sida aad adigu rabto kuu hagaysa , dabcan waxaan ilaabay inaanan Dugsi-sare ahayn meeshu oo macalimiintu toos kula xisaabtamayaan.

Hadaba saaxib hadii aad tahay shaqsi dhameeyay jaamacad ama ku jira sanadkii u danbeeyay oona lahayn xirfad maanta la taaban karo aan inyar is-weydiino sababaha keenay inay sidaas u dhacaan wax waxaana kamida waxyaabahan:

Waa maxay hadabba xikmada meesha ku jirta: "Sababta ay waxani u dhacayaan waad ogtahay si fiican waliba... laakiin waa uun inaadan ka xoog saareynnin shaygaas ood ka wahsanayso." Taasina aniga ayay igu dhacday, markaan soo xasuusto qorshayaashi badnaa ee aana fulinin.

xalqada 3aad:

Waa lagama maarmaan inaad noqoto qof leh hami, hiigsi iyo han sare: Isbeddelkaygii
gif

Markii aan ogaaday inaan ahay "Qof aan xrifad la taaban karo laheyn" waxay ahayd kiniin aad iyo aad qadhaadh badan oo ay qasab tahay inaan liqo. Laakiinse waxay sidoo kale ii ahayd baraarug toos ah oo waqti muhiim ah ii yimid. Hadda ayaan si dhab ah u fahmay macnaha iyo awoodda takhasuska. Waxaan go'aansaday inaan diiradda saaro Data Science, AI, iyo ML.

Haddaba, mida layaabka leh waxa weeye: Xirfadan aan wado waxa ka buuxda Xisaab taas oo necbaa bilowgii jaamacadayda. iyadoo, darajadaydii ugu hoosaysay abid (C!) aan ka keenay. Laakiin anigu shaqsi ahaan challengeska iyo caqabadaha way iigu baxdaa oo waan jeclahay. Madax adeyg dartii. Hase-yeeshee, inkastoo aan hore u necbanaa, hadda waxaan u dhiganayaa xisaabta si gaar ah loogu talo galay AI/ML iyo DS. Waxay ku dhowdahay 3 bilood tan iyo markii aan bilaabay jidkan cusub, in kasta oo ay adag tahay, waxay sidoo kale tahay mid aad u abaal-gud badan sababtoo ah waaba mustaqbalka barta uu noo wado(technology ahaan).

Sirta horey u socodku, waa inaad bilowdo: SIDEED ISKU BADALI KARTA ADIGU!

gif

Haddaba, saaxiibadayda da'da yarta iyo da' weyn-taba ba leh ee qaarkiin Jaamacadaha dhigtaan wali, qaarkiina dhameeyeen, Xoogaagan yar ayaan rabaa inaan idinla wadaago:

  1. Si-fiican u Aqoonso "Shay'ada ku mashquulinaya": Tiknoolajiyadu sideedaba way xiiso badan tahay kuwa cusub-na kaba sii daran. Manhajka jaamacaduhu wuxuu ku tusi doonaa qaybo badan. Waana caadi inaad aqoon-guud ka haysato, laakiin garo oo ogow inta laguugu talo-galay.

  2. Wax-walba inaad barato waxaa ka muhiimsan inaad Hal-shey diirada saarto: Dhibcaha fiican ee aad ka keenayso maadoyinka kala duwani waa loo baahan yahay mana xuma, laakiinse si toos ah uguma tarjumayso inaad leedahay xirfad aad shaqo-diyaar ugu tahay. Ogow, "shirkaduhu waxay rabaan dad dhibaatooyinka ka xalliya, la-tacaamul wanaagsan leh , falanqeeyn fiican leh , koodh qori kara , ma rabaan dad shahaadooyin qalalan sita oo keliya."

  3. Dooro xirfada aad ku Hammi-weyntahy:

    • Falanqee : Fadhiiso, is deji, go'aanso, oo falanqee, hal xirfad. " Maxaa si dhab ah kuu xiiso geliya marka laga inaad tahay arday engineer ah ama Computer-science ah? Dhibaatooyin noocee ah ayaad rabtaa inaad xalliso? Xitaa haddii aad "xiiseyso" maadooyinka qaar, taas waxay kuu cadeynaysaa meesha aad usocoto!

    • Wax walba waqti ayay leeyihiin:  Haddii waddada ama jidka aad dooratay ay leedahay caqabad wax-barasho oo adag ama dhinac aad kaga liidato, u arag caqabadaas inay tahay tijaabo aad naftaada ku tijaabinayso inaad xirfadan u qalanto iyo inkale, ee ha u arkin derbi kaa hor istaagaya meeshii aad u socotay.

  4. Dhammeyn (Kala-badh haka ga-tagin waxba!):

    • Khariidad aad sameysato waxba ma tarayso hadii aadan fulin karin. U kala jar hawlaha ku hor yaala qeybo yaryar oo maalinle ama toddobaadle ah taas oo aad maareyn karo.

    • Talo-yar: "Ha sugin inaad marka hore wax barato oo khabiir noqoto, lix bilood ama toddoba bilood ka dibna aad bilowdo inaad shaqo raadiso. Maya. Adigoo baranaya, isla markaana raadi shaqo inaad heli karto iyo inkale." Tani waxay abuuraysaa inaad dagdag inaad wax walba iska ga dhameyso.

  5. Itus oo i Taabsii:

    • Mashaariic, Mashaariic, Mashaariic: mashaaricdu ama projectska waa khibradaada mar walba. Dhis waxyaabo la xiriira takhasuska aad dooratay. Kadib ku keydi GitHub.

    • Ka Qeyb galka (Open Source): Hel khibrad shaqo oo dhab ah (ama aad ugu dhow). Tani waxay ka dhigaysaa resume-gaaga mid dadka kale ka duwan.

    • Ka Soo muuqo Online-ka : Sameyso Bog LinkedIn ah oo aad kula wadaagto safarkaaga wax-barasho iyo mashaariicdaada, waxa ay kuu caawin kartaa si aan la qiyaasi karin.

  6. Ha dhaleecayn jaamacada , dawlada ee adigu noqo mid kasoo bixi kara: Manhajka jaamacadaha waxaa laga yaabaa inuu yahay mid duugoobay. Cabashaduna "maaha xalka." Waxaad haysataa internet Tiktok,facebook etc ayaad dhex wareegaysaa, Bal ka waran intaa hadii aad  YouTube, Udemy, Coursera, Macluumaad-ka aan la tirin karin ee lacag la'aan-ta ah ee ku jira aad ka faaiidaysan lahayd?.

  7. Wax-walba waqti ayay leeyihiin: Laba sano ayaan ku lumiyay go'aan la'aan iyo ficil la'aan.Laakinse "Waxaad haysataa 6 bilood inaad isku soo saarto... noloshaada oo dhan waxa aad ku badali kartaa 6 bilood." Degdegsiimadu waa furaha dhabta-ah. Ha sugin xilliga "ugu wanaagsan" ama qorshaha "ugu fiican". ee Bilow uun.

Horaa Loo soconayaa: Gaba-Gebo
gif
Weli waxaan ku jiraa safarkaygii, anigoo la legdamaya xisaabta kala ah calculas , probability , linear algebra iwm aniga oo si qoto dheer usii baadhaaya AI/ML. Waan ogahay waa halgan adag oo dadaal adag u baahan, laakiinse hadda ayuunbay u muuqataa inaan wadadii saxda ahyd saaranahay.

ADIGUNA Ha iska lumin waqtigaaga sidii aniga igu dhacday oo kale( wasted 2023,24), taas badalkeeda sammeyso qorshe cad oo cadceeda ka cad. Had-dana BILOW

Dhamaad.

Wixii dheeraad ah Igala soo xidhiidh bartan hoose:
LinkedIn