Soo Dhawaada Saaxibayaal!
Soo fiiri Discord Serverka

Ku soo dhawoow Boggan !

Magacaygu waa Abdi*****, waxaan aad u daneeya isbeddellada xawliga ah ee ka socda dunida tiknoolajiyadda, gaar ahaan dhinacyada Data Science, Garaadka Macmalka ah (Artificial Intelligence), iyo Machine Learning.

Boggan waa madal aan ku soo gudbin doono geeddi-socodkayga barasho, fikradahayga, iyo wixii cusub ee aan ka barto ama aan kala kulmo saaxadan xiisaha badan.

Maxaad Ka Filan Kartaa Boggan/Site-kan?

Hamiga Guud:

Hadafkaygu waa inaan tusaale u noqdo bulshada, aqoontaydana aan la wadaago ardayda kale, xirfadleyda, iyo qof kasta oo xiiseeya horumarka ka socda dunidan casriga ah ee tiknoolajiyaddu hoggaaminayso. Waxaan aaminsanahay in aqoon-wadaaggu uu yahay furaha koboca iyo horumarka.

Fadlan si xor leh u daraasee waxyaabaha ku jira bogga. Fikradihiina iyo aragtiyihiina waa muhiim, ee ha ilaawin inaad igala soo xiriirtaan LinkedIn profile kayga ah :- LinkedIn

Waxaan rajaynayaa inaad ka heli doontaan wax idin anfaca oo idin dhiirigeliya.

Waad ku mahadsantahy booqashadaada !

gif